Följer

  • Dhagaystayaal kusoo dhowaada MUQDISHO podcast oo ah wartabiye madaxbanaan, waxaanu halkan kuso bandhigi doonaa barnaamijyo kala duwan oo aanu uga hadli doono xaalada soomaaliya iyo Soomaalida, si gaara waxanu diiradada ku saari doonaa Mawduucyo kala duwan oo aan islenaahay bulshada ayay faa’iido u leedahay, Dhaqaalaha , Siyaasada, aqoonta iyo Caafimaadka, Barnaamij waxa intiisa badan idin la socod siin doona aniga oo ah kamal, waxana igala qayb qaadan doona dad badanoo kamida waxgaradka iyo aqoonyahanada bulshada soomaaliyeed. hadii aad Podcast isticmaasho rukumo Oo barnaamijyadeena lasoco. MAHDSANIDIIN….

  • Bismillah, Allahuma sali cala Muxamad. Waxan isu dardarmayna, cabsida ilahay iyo acmaal salix ah inaan la nimadno, taasoo inoo diyaarinaysa la kulanka ilahay.

    Youtube: https://tinyurl.com/UmmZayd

  • Waxaa bilowday Podcast Cusub oo Aan ugu Magac bixinay Qorshaha Nolosha ..

    Si,guud Ujeedada iyo Hadafka Barnaamijkaani Waxaan rabnaa inaan dhisno ,

    Bulsho Fahansan Qorshaheeda Nololeed Si,aan Uga badbaadno Qorxumo Haysata dadkeena taas oo keenta Guuldarooyin waa wayn oo ku yimaada Maaraynta nolosha

    iyo Habdhaqanka'

    Barnaamijka waxaa daadihinaya Ustaad Ali Mohamed Jama

  • Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel that everything is so smooth, and the next that we are failing. But we want to assure you that being parent is not being perfect, there is no perfection in parenting, but being a good enough parenting. If you want to strive and better understand yourself as a parent and your child, this podcast series is for you. Get engaged with fruitful and practical tips that you can apply on your daily parent-child relationship. Waalidnimada waa mid ku dheehan farxad, waxayna sidoo kale ay tahay mid howl adag oo mararka qaarkiina welwel leh, qaasatan haddii aad tahay waalid ilmihiisa ku korinaaya wadan ama meel aan wadankiisa eheen. Mararka qaarkii waalidka wuxuu dareemayaa ineey waalidnimada aad u fududahay, marmarna waxaa dhaceysa inaan dareemno guul daro. Laakiin waxaan jecelnahay inaan waalidiinta niraahno ma jirto qof waalid oo dhinac walbo ka dhamaystiran, ama perfect ah. Waalid walbana wuxuu sameeyn wanaag inta karaankiisa. Haddii aad dooneyso inaad waalid ahaan isku fahamto, ilmahaaga fahmto, Podcastigaan waa mid ku anfacaya. Nagala soco halkan, anagoo idiin soo tebineyna talooyin la taaban karo oo aad u isticmaali karto Horumarinta qoyska, kobcinta caruurta iyo dhalinyarada.Music: Joseph McDade (SunRise expedition) https://josephmcdade.com/musicArt by Fartuun Hashi. In collaboration with https://www.noorawellbeing.com/. Waxaan kaa codsaneynaa inaad nala socoto oo aad qiimeyso Podcast-kaan iTunes: https://podcasts.apple.com/se/podcast/ladnaan-podcast/id1526192367 ama Stitcher: https://www.stitcher.com/podcast/ladnaan-podcast?refid=stprWaxaad nagala soo xiriiri kartaan: [email protected] ama Instagram: @ladnaan_podcast

  • Kusoo dhowow Khayr-dayska Noolays.... Warqabad ma ahan ... wargays ma ahan ... idaacad ma ahan .... waa khayr la sii daynayo ... sidii geedkii iftiinka bixin jirey ee Noolays ...

    Dhagaysoo ka dhereg .. wanaagana ka raac ... haddaad ka faaiididna .. aanu khayrka qaybsannee ee sii faafi... o

    Jazaakumullaahu khayran

  • Talo Walaal waa meel culumada ugu talo gashay in bulshada Soomaaliyeed loogu faa'iideyo. Waxaa ka baxo cashiro diin iyo talooyin bulshada noloshooda ku horumariyaan. Culumada Talo Walaal wixii kala joogaan aduunka meelo ka kala fog lakiin waxaa inoo fududeeye internetka iyo baraha bulshada inaa diinta iyo aqoonta ku faa'fino. Waxaa soo baxay dad diinta Islaamka dhalinyarta qalad ka fahamsinayo oo isugu jiro gaalo iyo dad aan diin heysan oo af Soomaali ku hadlo. Sidaa darteen halkaan waxaa ka heli karta culumo kala duwan iyo cashiro badan oo diinta Islamka ku saabsan iyo arimaha bulshada

  • Garasho-wadaag waa barnaamij ka baxa idaacadaha maxalliga ah ee Galmudug. Barnaamijkaas waxaan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimaha is-bedelka cimilada, khilaafaadka, dib u heshiisiinta iyo nabadda .. taas waxaan u mari doonnaa heeso wacyigelin ah, gabay, sheekooyin, ruwaayada iyo wareysiyo -- barnaamijku waxuu dhiirri gelinayaa in arrimahaas aan kor ku soo xusnay laga gaaro fahan wanaagsan. Sadexdii usbuucba hal mar yauu ba waxuu bixidoonaa. Garasho-wadaag waxaa soo jeedin doono Maxamed Dhagacadde oo ah blogger reer Galmudug ah asagoo la kaashanaaya hayàdda Berghof Foundation oo ay taageereyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

  • Waa barta rasmiga ah ee Jamaacada Al-Sadicuun Bil-Xaq. Halkan waxaad ka helaysaa codadka barnaamijyada sida joogtada ah uga baxa madalaha Jamaacadu ay ku leedahay baraha bulshada.

    Taabo Subscribe si aadan u moogaan codadka ka baxa madashaan.

  • "Miyir" waa kulan dhegaysi ah oo soo gudbinaya waxkastoo la xidhiidha kasmada iyo fekerka, aragtiyaha iyo kobcintooda si MIYIRIN ah. Waxaannu door weyn oo taagtayada ah ka qaadanaynnaa horumarinta wacyiga bulshadeenna. Falanqeyn, sheekooyin, aragtiyo iyo faallaynta buugtu waa BU'da hawlahayaga aan halkan u yagleelnay!

  • Hooyonimo waa barnaamij lagu lafa gurayo oo lagu qaada dhigayo dhamaan mawduucyada la xidhiidha hooyonimada iyo wixi ku gadaaman

  • Dareenside waa podcast soo gudbiya sheekooyin xiiso leh oo taxane ah, mawduucyo qiimo leh oo si qotodheer aynu u lafa-gurno, dhacdooyin taariikheed.


    Waxaad ka dhagaysan kartaa dhammaan madalaha Podcast-yada sida Google podcast, apple podcast, Spotify, Pocket Cast, Cast box, podtail, Amazon music, Samsung music iwm.


    Nagala soco baraha bulshada sida:


    YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5Fo


    Instagram: https://instagram.com/dareen_side_


    Telegram: https://t.me/Dareen_side


    TikTok: https://www.tiktok.com/@dareen_side_?_t=8bmg


    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

  • Ahmed Darwiish waa maalgaliye, Qoraa, Bare, garaad hoggaamiye iyo Ganacsade dhisay noloshiisa haddana ku hawllan horumarinta iyo hiyyi-dhisidda dadyowga uu wax baro.

    Waxa uu barbaariyay maanka boqollaal dad ah isaga oo dhisay hab-fikirkooda una horseeday madax bannaani dhaqaale.

    Koriye Podcast wuxuu ardaydiisa iyo bulshada ku xidhan kula wadaagayaa aqoon,aragti, jihayn iyo jidmarin kasta oo u horseedaysa horumar dhaqaale iyo mid nololeed labada.

  • Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

  • GORAY PODCAST Waa Barnaamij aanu ku waraysanayno dad aynu u aragno inay bulshada kusoo kordhin karaan aqoon iyo ogaalkoodana kobcin karaan.

  • Hayaanka Nolosha waa podcast aan kusoo gudbin doono kutubo cilmi fani waliba leh insha,allah.

  • KAS KAAB waa podcast aad ka dhagaysan kartid falaqaynta bugaagta iyo waliba arimaha cafimaadka.waxa aad kala soconkarta bartenan kk podcast JIMCE walba.

    FADLAN ISTICMAAL HADAD HELI KARTID AIRPODS AMABA EARPHONES.

  • Dharaar Boodhkast waa barnaamij maalinle ah, Kaas aanu idiinku soo gudbineyno wararka caalamka kuwooda ugu muhiimsan; si aad ula socotid dhacdooyinka caalamka.

    Hosted on Acast. See acast.com/privacy for more information.

  • Shaah iyo Shaxan waa taxane la qabto labadii todobaad mar, Oo bahda Fankeenna ku martiqaadayaan qof shaxankiisa ka waramaya si loo barto oo loogana barto aqoontiisa/aqoonteeda, waa SHAAH IYO SHAXAN

  • بسم الله الرحمن الرحيم


    Tafsiirka Quraanka Podcast waa podcast loogu tala galay barashada Tafsiirka 
    Quraanka. 

    Waa sharaxaadii Shiikh Abuukar Xasan Maalin. 

    Waxaa xuquudqa daabacaadda iska leh Sheekhmaalin.com.

    Waxaa soo bandhigay ahxmadnur [ Email: [email protected]

    Fadlan podcast-kan rating/review ama qiimeyn ku samee, walaalaha kalena gaarsii jiritaankiisa.

  • Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.

    podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. 

    Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. 

    "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".