Avsnitt
-
Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Saknas det avsnitt?
-
Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso.
Support the show -
Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!
Support the show -
Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso.
Support the show -
Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas?
Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!
Support the show -
Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) - Visa fler