Avsnitt
-
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada?
Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, iyo kaalinta ay ku leeyihiin hogatusaaleynta iyo sare-u-qaadista wacayiga bulshada. Waxaa agaasimaha SPA Policy Lab ahna martigaliyaha Adeeg Wanaag Podcast la falanqeynaya Barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo ah hoobal qaran, sidoo kalena ah qoraa ka faallooda afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, kana mid ahaa kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimaha gargaarka bani’aadamnimo.
Qeybtan 24-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa nuxurka daraasadda. Waxaa marti ku ah Ibrahim Jibril oo ah cilimibaare ka tirsan SPA sidoo kalena ahaa hormuudka cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasadda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Saknas det avsnitt?
-
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay.
Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan sidoo kale lagu falanqeynayaa wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan khatarta ka dhalan karta adeegsiga daawooyinka la isku cadeeyo iyo talooyin la xiriira dadka raba in ay iska joojiyaan adeegsiga dawooyinkan. Waxaa marti ku ah Dr. Fartuun Xasan Maxamed oo ah dhakhtarad ku takhasustay daryeelka wejiga, timaha iyo maqaarka, islamarkaana ka howgsha xarun caafimaad oo ku taalla magaalda Muqdisho.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay.
Qeybtan 22-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu waaweyn ee loo aaneyn karo maareyn la’aanta biyo mareennada iyo bullaacadaha magaalada Muqdisho iyo cilladaha farsamo ee jira oo ay tahay in lagu baraarugo si loo mareeyo qulqulka biyaha ee magaalada. Waxaa marti ku ah Eng. Yaxya Guuleed oo arrimhaasi si dhaw ula socday, islamarkaana qoraallo ka sameeyay.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed.
Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka jira dalka, gaar ahaan musalsallada shirkadaha maxalliga ah ay sameeyaan iyo kaalinta musalsalladan ee sare-u-qaadidda wacayiga iyo dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed. Waxaa marti ku Abshir Rageh oo ah director ama filim sameeye, kaasoo qoray islamarkaana sameeyay musalsallo maxalli ah oo aad loo daawaday sida Habboon oo sanadkii hore dhammaaday iyo musalsalka Dhaxal oo weli socda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan.
Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Mahad Faarax Shaaciye oo ka tirsan bahda waxbrashada asaasiga ah, islamarkaana sanado badan ka soo shaqeeyay waxbarsahada dalka, ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga waxbarashada aasaasiga ah ee dalka ka jira, sare-u-qaadidda tayada adeeggaas, kaalinta ganacsatada ay ka qaadan karaan maalgashiga waxbarashada si tayada sare loogu qaado, iyo sida ay dowladda ugu dhiiragelin karto ganacsatada maalgashiga waxbarashada.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.
Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.
Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.
Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.
Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.
Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.
Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah.
Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco.
Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.
Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan is-dhexgalka bulshada deegaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda. Mid kamid ah siyaabaha dhibaatooyinkaas loo xallin karo ayaa ah ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa beelaha laga tirada badan yahay in ay cayaraan kaalinta isku xirka baahiyaha dadkaas iyo hay’adaha gargaarka, kuwa dowladda iyo bulshada lagusoo barakacay.
Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadkaas barakacayaasha ah helidda adeegyada asaasiga ah, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xal-u-helida arrimahaas ururrada bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay. Waxaa marti ku ah Yusuf Cabdi Xasan oo ah agaasimaha hay’da Livelihood Relief and Development Organization (LRDO), oo ka mid ah haya’adaha bulshada rayidka ah ee u dooda beelaha laga tirada badan yahay.
Podcast-gan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.
Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B. Go’aankaasi inta uu hirgalay waxaa kasoo wareegatay muddo ku dhaw bilood.
Podcast-gan waxaa lagu falanqeynayaa go’aanka maamulka gobolka uu mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa ugu qeybiyay A iyo B, iyo waxyaabihii ka dhashay, qorshyaasha xiga iyo guud ahaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Waxaa marti ku ah Cabdirashid Ibrahim Maxamed, oo ah Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Benadir, ahna Guddomiyaha Guddiga Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Caasimadda.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka.
Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga ay qabato Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, gaar ahaanna arrimaha adeegga Xajka. Waxaa marti ku ah Maxamed Xaaji Ibraahim Cali, oo ah Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta Arrimaha Diinta.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo daadejiyo si loo gaaro dadweynaha.
Somali Public Agenda ayaa daabacday daraasad ku saabsan daadejinta canshuuraha iyo adeegyada bulshada dowladaha hoose ee Puntland, Galmudug iyo Benadir, caqabadaha ku geedaaman iyo sida looga gudbi karo. Podcast-gan, waxa ay qoraaga daraasadda Farxaan Isxaaq Yuusuf iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan natiijada daraasadda.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho.
Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala kulma helidda waraaqaha aqoonsiga oo ay dowladdu bixiso. Dhibaatooyinkaas waxa ay si gaar ah ugala kulmaan xafiisyada dowladda ee bixiya adeegyadan.
Podcast-gan, Aweys Axmed iyo Maxamed Aadam ayaa ku falanqeynaya faallo ay dhawaan daabacday Somali Public Agenda oo ka hadleysay culeysyada lagu qabo helitaanka waraaqaha aqoonsiga ee dowladda.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan.
Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo falanqeyneysa caqabadaha ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho iyo saameynta ka dhalan karta.
Podcast-gan waxa Maxamed Aadan, oo ah qoraaga faallada iyo sidoo kale maamulaha doodaha iyo cilmibaare katirsan Somali Public agenda, iyo Abdishakur Cawil, oo ah cilmibaare arrimaha qorsheynta iyo maareynta dhulalka iyo magaalooyinka, ay ku falanqeynayaan culeysyada ku xeeran isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, saameynta ka dhalan karta iyo xalka.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
-
Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.
Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa adag in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin.
Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saabsan sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Podcast-ga arrimahaas ayaa lagu falanqeynayaa. Waxaa marti ku ah qoraaga faallada Maxamed Aadan oo ka tirsan Somali Public Agenda iyo Xasan Cabdi Xasan, oo ah cilmibaare arrimahan u dhuundaloola.Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
- Visa fler