![Garasho-wadaag](https://is1-ssl.mzstatic.com/image/thumb/Podcasts122/v4/c2/a0/2d/c2a02db8-6ecd-f9b4-7ad1-e8d95042e5ee/mza_14417998826928897482.jpg/250x250bb.jpg)
Garasho-wadaag waa barnaamij ka baxa idaacadaha maxalliga ah ee Galmudug. Barnaamijkaas waxaan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimaha is-bedelka cimilada, khilaafaadka, dib u heshiisiinta iyo nabadda .. taas waxaan u mari doonnaa heeso wacyigelin ah, gabay, sheekooyin, ruwaayada iyo wareysiyo -- barnaamijku waxuu dhiirri gelinayaa in arrimahaas aan kor ku soo xusnay laga gaaro fahan wanaagsan. Garasho-wadaag waxaa soo jeedin doono Burhaan Cabdulaahi oo ah wariye iyo nabad-dhisiye reer Galmudug ah asagoo la kaashanaaya hayàdda Berghof Foundation oo ay taageereyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.