Avsnitt
-
Bismilaah
Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto.
Waxaa intaa dheer:
wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda.
Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀
-
Bismilaah;
Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯
Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa: 🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa
✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa, halkii saxda ahayd ayaad timid!
Dhagaysi wacan! 🎧
-
Saknas det avsnitt?
-
Bismilaah;
90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah;
Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤✍️
Dhageyso oo qoro xusuustaada maanta! 🚀
-
Bismilaah;
10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫
Ha moogan!
-
Bismilaah;
Ramadaan & Workout! 🌙🏋️♂️Ma la jaanqaadi kartaa jimicsiga inta lagu jiro soonka? Xalqaddan, waxaan la falanqeyn doonaa marti khibrad leh si aan uga faa’iidaysano Ramadaanka si aan u dhaqaaqno! Dhagayso si aad u ogaato sida Ramadaanka iyo jimicsigu iskula jaanqaadi karaan! 🎙️✨
-
Bismilaah
Xalqaddan waxay ku saabsan tahay 5 talo oo sahlan oo kaa caawinaya inaad Ramadaanka uga faa’iidaysato si fudud, nafci badan, oo ajar badan leh. 🕌✨ Waxaan ka hadlaynaa sida aad uga faa'iidaysan karto neefsashada si ay kuu caawiso, niyad sax ah u dejisato dhammaan camalkaaga, isku dheelitirto cibaadada iyo nolol maalmeedka, iyo sida loo xakameeyo waqtiga iyo baraha bulshada si aad u korto ruxiyan. 📿⏳
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah;
Marti Gaara! 🎙️
Xalqadan cusub ee Ramadaanka, waxaan la fariisannay marti gaar ah: Shamso iyo Fatush! 🌙✨ Waxaan si qoto dheer uga hadalnay sida loogu diyaargaroobo bishan barakaysan, muhiimadda barashada Ilaahay 🕌, iyo sida ducadu uga dhigan tahay furaha barakada iyo dhabta nolosha 🤲. Waa sheeko xiiso leh, oo qoto dheer oo ka buuxaan talooyin qiimo badan – ha moogaanin! 🎧💡
-
Bismilaah:
Xalqaddan waxa aynu ku lafagureynaa su’aasha muhiimka ah ee ah: Sidee ku ogaan kartaa waxa aad doonayso inaad noloshaada QABATO—hadday tahay shaqo, korriin shaqsiyadeed, ama horumar ruuxi ah? 🛤️✨. Waxaan kuu diyaarinay su’aalo xeel dheer oo kaa caawin doona inaad hesho caddeyn iyo jihayn sax ah, adiga oo si miyir leh u qorsheynaya mustaqbalkaaga.
Dhagaysi wacan 🎧✨
-
Bismilaah
Mararka qaar awooddeena dhabta ah waxay ku qarsoon tahay wax aan horey u u aaminay inay yihiin daciifnimadeenii! (Weaknesses)🎭✨ Qeybtan, waxaan ku qaadaa-dhigi-doonaa sheekada wiil yar iyo judo-ha waxa kala qabsaday, muhiimadda ay leedahay in la barto hal xirfad, iyo sida aad u aqoonsan karto awoodaada qarsoon. Waa waqtigii aan aragtideena bedeli lahayn! 🚀
Dhagaysi wacan 🎧😊
-
Bismilaah;
Ku soo dhawoow qaybta lixaad oo ah bilowga taxanaha the mindset shift 'Isbeddelka Maskaxda' 🌟, halkaas oo aan ku sahminayno sida fikirkaaga u beddeli karo noloshaada. Maanta, waxaan falanqeyn doonaa oraahda caanka ah ee Henry Ford: 'Haddii aad aaminsan tahay inaad awooddo ama aadan awoodin, labadaba waad saxantahay.' 🤔 Waxaan sidoo kale wadaagi doonaa sheekooyin dhiirigelin leh oo muujinaya awoodda isbeddelka maskaxda. 💡
Dhagaysi wacan! 🎶
-
Bismilaah;
Marti Gaara! 🎙️
Xalqadan waxaan marti ku inoogu ah Fatush, martideennii ugu horreysay ee podcast-kan! 🎙️✨ Wada sheekaysigeenu wuxuu ku saabsan yahay Vision Board—sidii aad yoolalkaaga uga dhigi lahayd kuwo muuqda, la taaban karo, oo la gaari karo. 📌🎯
Ma isticmaashaa Vision Board? Mise sanadkan ayaad qorshaynaysaa inaad tijaabiso? 🤔✨
Dhagaysi wacan! 🎧
-
Bismilaah ;
Sidee Ayaad U Qorsheyn Kartaa Sannad Guuleysta? 📆Qaybtan isbuucan waxay ku saabsan tahay qorista iyo qorshaynta sannadka cusub. Waxaan kuu soo bandhigayaa qaaciddada "Quarterly Quest" – hab fudud oo aad sannadkaaga ugu qorshayn karto 100 maalmood. 🎯 Sadex waxyaabood oo muhiim ah oo aad sedexdii biloodba xoogga saarto ayaa kaa caawin doona inaad si cad u wajahdo himilooyinkaaga sannadlaha ah.
Dhagaysi wacan📝✨
-
Bismilaah;
Sidee buu 2024 kuu ahaa? 🤔✨ Qaybtan, waxaan kaga hadlaynaa muhiimadda dib u milicsiga sannadka, qiimaha shukrinta, iyo sida looga faa'iidaysan karo casharrada sannadka tegay si loogu bilaabo 2025 si firfircoon oo guul leh. 🎯💡
Dhagaysi wacan! 🎧📚
-
Bismilaah;
Hormarka nolosha isbeddel ayuu ku jiraa – markaad maqashid ereyga isbeddel, maxaa maskaxdaada kusoo dhaca?🎯 Aniga, "Ficil la'aan". ficil la'aan isbeddel ma imaanayo, laakiin marmarsiyooyinka ayaa inta badan na xannibaya. Qaybtan, waxaan kula wadaagi doonaa marmarsiyooyinkii iga hor istaagay inaan sameeyo podcast muddo dheer. 😅 Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? Maanta se diyaar ma u tahay inaad bilowdo safarkaaga?
Dhageysi wacan! 🎧✨🫖
-
Bismilaah;
🔊 Allah subhanahu wa ta'ala wuxuu yiri: 'Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay beddelaan waxa ku jira nafsaddooda.' (Qur’aanka 13:11)
✍️ Tani waxay ina xasuusinaysaa in isbeddelka dhabta ah uu ka bilaabmo gudaha. Qoraalku waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu ogaan karo waxa aan u baahanahay inaan beddelno si aan u gaarno qofka aan rabno inaan noqono.
Ku soo dhawaaw gogal-dhiga Kalfadhigii 2-aad ee Hab Fikirka Tarmuuska! 🎧
-
Bismilaah;
Qamiista ugu dambaysay ee sannadkan 🗓️✨, waxaan warqad dhiirrigelin ah u qorannay nafteena mustaqbalka 💌. Warqaddan waxay noo tahay fursad aan ku sawiranno guusha 🌟 iyo qofnimada aan rabno inaan noqono sannadka soo socda, Insha Allah 🙏.
Sidoo kale, waxaan kuu rajeynayaa sannad cusub oo barwaaqo leh 🌱✨, guulo faro badan oo kaa farxiya 😊🏆, iyo horumar joogto ah 📈. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo waddo kasta oo wanaag kuu horseedda 🤲💖.
Dhagaysi wacan! 🎧
-
Bismilaah;
Caawa waxaan ka hadlaynaa sababta caadooyinka qaar u hirgalaan halka kuwa kalena ay fashilmaan. 🕰️📉
Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaynaa...
Doorka wakhtiga uu qofku wax bilaabayo 🕒✨.Dhibaatada ka dhalata bilaw caado cusub oo niyad yari iyo sabab la’aan ku dheehan tahay 🚧😟.Sida aan uga faa’iidaysan karno bishan December iyo maalmaheeda ugu dambeeya si aan u gaadhno horumar waara 🍂🔥.Dhagaysi wacan! 🎧🌟
-
Bismilaah;
Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa:
Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 🗓️ iyo sida looga faa’iidaysan karo.Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 🌱🔥.Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? 💡 Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! 🎧
-
Bismilaah;
✨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? 🎯🚀
Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa:🔍 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus)🛡️ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulaha🎙️ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday bishii November
Maxaa adigu bishan ka baratay? 💭 Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast 📲💬 Dhagaysi wacan! 🎧 https://www.instagram.com/hab_fikirka_tarmuuska_podcast_?igsh=cHc1eWVhd2szbXV4&utm_source=qr
- Visa fler